Somaliya: Shirkii Arrimaha Soomaaliya Lagaga Hadlayay Oo La Soo Gebagabeeyay

Muqdisho  (HMN): Wejiga labaad ee shirka qaran ee lagaga hadlayo arrimaha  Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen maamul goboleedyadda iyo madax ka socotay caalamka ayaa maanta lagu soo gebagabeeyay magaaladda Muqdisho.

Shirkaasi  oo laba maalmood ka socday Muqdisho  ayaa  qaybtiisii hore waxaa  sanadkan uu ka qabsoomay magaaladda London ee dalka Britain.

 Waxaana shirkan qaran ee  (Somali Partnership Forum) si rasmiya u daah furay  madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Farmaajo.

 Shirka ayaa diiradda lagu saaray, arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo banii’daamnimada.

Waxaana  qeybta danbe shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

 Iyadoo ay hadallo ka jeediyeen madaxda dawlad gobolleeyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Wakiillo ka socday bulshada Caalamka.

Xasan Cali Khayre, raysal wasaaraha Soomaaliya  ayaa ka hadlay horumaradii ay dawladdu gaartay 8dii bilood ee la soo dhaafay,

 Waxaanu  sheegay in horumar ballaaran laga sameeyey dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha guud. Sidoo kale waxaa la muujiyey sida ay laga maar-maan u tahay in dalka ay ka dhacdo doorsho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Khayre ayaa ugu baaqay dalalka iskaashiga la leh Soomaaliya inay maalgashi ku sameystaan dalka, maadaama uu amnigu soo hagaagayo.

Sidoo kale madaxda shanta maamul Gobolleed ayaa dhankooda codsaday in laga caawiyo dhanka amniga iyo dhaqaalaha, si kor loogu horumarinta bulshada iyo dagaalka argagixisada.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa soo xiray shirka, isagoo ugu baaqay bulshada caalamka inay ka dhabeeyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarka la higsanayo.

Hormoodnews/Muqdisho Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.