Soomaaliya: Al-shabaab Oo Dhagax Ku Qisaastay Nin Ku Eedaysnaa Inuu Kufsi Geystay

Soomaaliya (HMN) – Xarrakada Al-shabaab oo maamusha qeybo ka mid ah gobollada  Soomaaliya ayaa xukun Dil ah ku fulisay Nin ku eedeysnaa in uu kufsi ka geystay deegaan lagu magacaabo Ufuroow oo ka tirsan gobolka Baay ee Soomaaliya.

 

Maxkamad ururka Al-shabaab leeyihiin ayaa ku xukuntay Dhaayow Maxamed in dhagax lagu dilo, kaddib markii lagu helay danbi ah in uu kufsi geystay, waxaana maanta lagu fuliyey Xukunkaasi, waxaana lagu dilay Dhagax.

 

Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaal deegaanka Raama Caddey oo ka tirsan degmada Ufuroow, waxaana qeybaha hoose ee jidhka Ninkan lagu aasay dhulka, iyadoo qeybaha sare  ee jidhkiisa dhagxaan la soo diyaariyay rag ka tirsan xarrrakada Al-shabaab midba mar uu ku dhufanayay.

 

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koofur-galbeed Soomaaliya oo la xidhiidha xukunka rajmiska ah ee maanta laga fuliyay deegaanka Raama Cadey

 

Maaha markii ugu horeysay oo Al-shabaab ay fuliyaan xukunno noocan oo kale ah, waxaa ay hore sidan oo kale deegaanno kala duwan oo dalka mid ah uga fuliyeen xukun dhagax ku dil ah.

 

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.