Tahriibayaal Soomaali Iyo Itoobiyaan Ah Oo Si Ula Kac Ah Badda Loogu Daadiyey

Yemen (HMN) – Dadka wax Tarhiibiya ayaa si ula kac ah ugu daadiyay xeebaha Yemen muhaajiriin isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR.

Hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in meydadka ilaa 50 qof oo kale la helay, halka 50 kalena la la’yahay. Illaa iyo 180 qof ayaa la aaminsan yahay inay saarnaayeen doonyahaasi.

Guud ahaan dadka labadan doonyood la socday ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen ilaa iyo 180 qof.

Hay’adda ayaa sheegtay in Arbacadii la helay meydadka 29 muhaajiriin oo iyagana laga daadiyay doontii ay saarnaayeen.

Dadka masiibadan wax ku noqday oo u kala dhashay Soomaaliya iyo Itoobiya ayay da’dooda u dhexaysaa 16 ilaa 20 sano jir.

Dadkan ayaa rejo ka qabay in ay nolol fiican ka helaan dalalka Khaliijka oo qani ku ah shidaalka, iyaga oo sii maraya dalka Yemen oo ay dagaalo ka jiraan.

Dadkii waday tahriibayaasha ayaa lagu warramayaa in ay dib ugu noqdeen Soomaaliya, waxaana loo badinayaa in ay dad cusub kasoo qaadayaan xeebaha Gobolka Bari ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Inkastoo xaalada Yemen ayna deganayn, haddana dadka Geeska Afrika ka tega ayaa dalkaas tahbriib ku gala.

IOM ayaa sheegtay in ku dhowaad 55 kun oo qof ay ka tageen Geeska Afrika iyaga oo ku socda Yemen.

Kala badh dadkan da’doodu waxay ka hoosaysaa 18 sano, gabdhaha badaha u badheedha ayaa ka badan Wiilasha da’yarta ah.

Hormoodnews.com/Hargeisa Office

 

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.