Tiro Ka Badan 50 Ruux Oo Lagu Dilay Bandhig Faneed Ka Dhacay Magaalada Las Vegas

 Las Vegas (HMN)- In ka badan 50 ruux ayaa lagu dilay, 200 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii nin hubeysan uu rasaas ooda uga qaaday goob ay dad fara badan ku caweynayeen oo ku taal magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.

Goobtan ayaa waxaa ka socday bandhig faneed masrax dusha ka furnaa oo ku yaal Hotelka Mandala Bay oo ah goob loo dalxiis tago.

Ninka hubeysan oo lagu magacaabayay Stephen Paddock oo 64 jir ahaa ayaa rasaas ka soo riday dabaqa 32aad, halkaasoo ay ku taallay masrax weyn oo dusha ka furnaa, ayna ku sugnaayeen kumanaan ruux oo ka qeyb galay Xaflad Muusik.

Booliska ayaa aqoonsaday ninka la tuhunsanaa, oo ka mid ahaa dadka deegaanka, waxaana toogtay ciidamada.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Donald Trump horaantii bishii January.

 

Hormoodnews.com

Hargeysa/Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.