Toogasho Axaddii Ka Dhacday Maraykanka Oo Lagu Dilay 8 Ruux.

USA (HMN) – Rasaasayn Axaddii ka dhacday gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa horseeday in ay ku nafwaayaan 8 Ruux oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka deegaankaas, sida uu booliisku sheegay Warbaahinta Maraykanka.

 

Toogashada ayaa ka dhacday saddex goobood oo kala duwan oo ka tirsan deegaanka Lincoln County ee koonfurta Mississippi.

 

Nin laga shakisan yahay oo warbaahinta dalkaasi ay magaciisa ku sheegtay Willie Cory Godbolt ayay booliisku xidheen subaxnimadii Axadda.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in ayna weli sheegi karin waxa uu salka ku hayo dilkani.

 

Willie Cory Godbolt oo Ninka Dilkan looga shakisan yahay Soddohdii, labo ruux oo ay qaraabo yihiin iyo William Durr oo taliye ku-xigeen booliis ah ayaa Meydadkooda laga helay goobta ay rasaasayntii koobaad ka dhacday ee Bogue Chitto, sida ay wararku sheegayaan.

 

Rasaasaynta labaadna waxay ka dhacday Brookhaven halkaas oo laga helay Meydadka labo dumar ah oo da’yar, sida ay booliisku sheegeen.

 

Goobta saddexaad ee ay toogashada ka dhacdayna waa Bariga Lincoln oo laga helay maydka nin iyo haweenay, sidaana waxa ku warrantay Idaacadda BBC-da oo Hormoodnews.com soo xiganayso.

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.