Waqooyiga Kuuriya Oo Ugu Yeedhay Cunaqabatayntii Ay UN Tu Saaratay Inay Tahay Daandaansi Dagaal.

Koreo(HMN) waqooyiga Kuuriya ayaa ugu yeedhay cunaqabatayntii ugu danbaysay ee ay Qaramada midoobay saarto mid dagaal daan daansi ah waxana  ay sheegatay in tahay mid ku xadgudbaysa qaranimadeeda.

Waxa kale oo ay Kuuriyada Waqooyi sheegtay maalinimadii axada ahayd in dawalada Maraykanku ay ku riyoonayso haddii cunaqabatayn la saaro  inay ka bixi doonto hubkeeda Nukliyarka.

Golaha amaanka ayaa ansixiyay cunaqabtayn cusub oo lagaga hortagayo waqooyiga Kuuriya maalinimadii Jimcaha ahayd taasoo ka jawaaabaysa tijaabadii ugu danbaysay ee gantaalka balastik ah  ay waqooyiga Kuuriyadu samaysay kuna sheegtay inuu gaadhi karo meelkasta oo dhulka Maraykanka ka mid ah.

 

Hormoodnews/News Desk.

 

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.