Wariyayaal Ka Hawlgala JSL oo Eedaymo Loo Soo Jeediyey.

Hargaysa(HMN) wariyayaal ka hawlgala JSL siiba magaalooyinka Gabilay iyo BerBera ayaa loo soo jeediyey eedaymo ah inay ku xadgudbeen sharicigii suxufinimada. Wariyayaashan oo qaarna la xukumay qaarna damiin lagu sii daayey ayay maayrada caasimada Gabilay iyo Berbera ku eedeeyeen inay markii ay wax lacag ah siin waayeen ka qoreen wariyayaashani wax yaabo lidi ku ah maayarada magaalooyinkaasi.

Wariye Aadan Maxamed Dirir ayaa lagu xukumay sanad iyo Lix Bilood oo xadhig ah halka ay sadex wariye oo kaleĀ  jooga magaalooyinka Berbera iyo Gabilay ay damaanad ku joogaan debada.

Hadaba, wariyaasha JSL oo aan jaamacado caalami ah ka soo bixin dugsigoodii sarena uu iska liitay, tababar fiicana qabin ayay dawladii Siilaanyo bartay lacag,lacagtaasoo ay ula baxeen qabax haddii la siin waayona ay markaa waxa ay doonaan ka qorayaan madaxda.

 

Halkan Hoose Ka Daawo

 

HormoodNews/Hargaysa Office

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.