Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Sucuudiga Oo Xaqiijisay In Lagu Dilay Sadex Askari Weerarkii Jeddah.

Jeddah(HMN)Saddex askari oo Sacuudi ah ayaa lagu dilay Jeddah sadex kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii weerar uu ku qaaday nin dhalashadiisu tahay Sucuudi qaad maqaaxi ku taala dibada oo u dhaw  albaabka  laga soo galo salaam Palace.

Afhayeen u hadlayay wasaarada arimaha gudaha ee dawlada Sucuudiga ayaa sheegay inuu weerarkani dhacay abaaro 3:15pm wakhtiga Jeddah. Waxa kale oo uu intaa  ku daray afhayeenku  inuu ninkan wax toogtay  magaciisa la yiraahdo Mansoor Bin Hassan Bin Cali  dhalashadiisuna  tahay Sucuudi 28 jir ah waxana uu watay gaadhi Honda ah uu numberkiisa ahaa HFC 6081.

Waxa laga helay  qori  Kalashnikov ah iyo wax yaalaha qarxa ninkan isaga ah.

Wixii war ah ee ka soo kordha hormoodnews kala soco.

 

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.