Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE Oo Eedaymo Isku Mariyey Warbaahinta + Daawo/Akhriso

Hargeysa (HMN) – Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, ayaa eedaymo culus isku mariyey Warbaahinta, ka dib markii ay ka soo laabteen Safarro Wacyi-gelin ah oo ay Toddobaadkii u dambeeya ugu maqnaayeen Degmooyinka Gobolka Togdheer.

Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo Telefiishanka SAAB waydiiyey waxay ka odhanayaan eedaymo ay dhawaan u jeediyeen Guddiga Anshaxa ee Komiishanka Doorashooyinka, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa inay Wacyi-gelintii Kaadh-qaadashada Gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex u beddeleen Olole Doorasho, ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo ugu horeyn la hadlay Telefiishanka, ayaa sheegay inay ilaalinayaan Xeerka Anshaxa, laakiin Dadkii ku soo dhaweeyay Deegaannadii ay Socdaalka ku tageen ay iskood isku abaabuleen, waxaanu yidhi “Waanu ixtiraamaynaa Guddiga Anshaxa, wixii lagu heshiiyeyna waanu ixtiraamaynaa, Komiishanku siday u shaqeynayaana waanu ixtiraamaynaa. Annagu Dad aanu Abaabulnay ma jirin, ee (iyagaa is abaabulay) xitaa hadday na soo dhaweeyeen, waanuna ka xunnahay hadday ku jiraan waxyaabo loo maleeyay inay Gef ku tahay waxyaabihii lagu heshiiyey.”

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose Ka Daawo

La Share Garee Asxaabtaada

Comments are closed.